Sharciyadan ayuu dhaqangalkooda maanta ka bilaabanayaan : Iska hubi

0
163
Foto: Illustrasjonfoto

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay kowda bisha January 2018, waxaa dhaqankalkoodu uu bilaabanayaa sharciyo cusub oo horey loo meelmariyay. Waxaa kamid ah:

  1. Waxaa la gaabiyay xiliga uu qofka ugu badnaan qaadan karo lacagta loo yaqaan Arbeidsavklaringspenger(AAP) oo ah lacagta la siiyo dadka suuqa shaqada uga maqan sababo la xiriira dhaawac ama xanuun kale iwm. Wuxuu qofka lacagtaas ugu badnaan qaadan karaa 3 sano, halkii markii hore ay ka aheyd 4 sano. Sidoo kale waxaa la adkeeyay shuruuda uu qofka lacagtaas kusii qaadan karo, marka uu waqtigu ka dhamaado kadib.

  2. Ardeyda jaamacadaha oo isbuuc dheeri ah lacag heli doono. Baarlamaanka Norway ayaa sanadkii hore meelmariyay sharci ah in ardada jaamacadaha ay 11 bilood qaataan taageerada dhaqaale ee dowladu ay ardeyda siiso(stipend/lån). Sharcigaas ayaa lagu wadaa inuu ugu danbeyn dhaqan galo, sanadka 2020. Balse Sanadkii hore ayay dowladu bilowday inay isbuuc dheeri ah lacag siiso ardeyda bisha Juni, sanadkana waxaa lagu soo kordhiyay isbuuc kale. Isku dar waxa ay ardeydu sanadkan taageero dhaqaale helayaan 2 isbuuc oo katirsan bisha Juni.

  3. Lacagta kaarka caafimaadka bilaashka oo la kordhiyay: Sanadkan 2018 waxaa la  lacagta uu qofka ay tahay inuu bixiyo, kahor inta uusan helin kaarka caafimaadka bilaashka ah ee Frikort.  Egenandelgrensen ama lacagta uu qofka bixinayo kahor inta uusan helin frikortka ayaa hada laga dhigay 2258, halka markii hore ay ka aheyd 2202. Marka uu qofka intaas gaaro, waxa uu si toos ah u helayaa frikort.

  4. Waxey dadku iska mehersan karaan kommunaha/degmada: Wixii ka danbeeyo sanadka cusub ee 2018, masuuliyada isku meherinta dadka ee waafaqsan sharciga Norway, waxey kasoo wareegeysaa maxkamadaha, waxaana la wareegi doono kommunaha ama maamulka degmada uu qofku deganyahay. Duqa ama duq ku xigeenka magaalada ayaa qaban doono shaqada isku meherinta ama diiwaan-galinta, wuxuuse wakiilan karaan shaqaalaha ama dadka lasoo doortay ee katirsan maamulka degmada.

  5. Fasaxa waalidka xiliga dhalmada oo la kordhiyay: Waxaa lagu wadaa in wixii ka danbeeyo kowda bisha Juni ee sanadkan 2018, fasaxa waalidka ee xiliga dhalmada laga dhigo 14 isbuuc, halkii markii hore ay ka aheyd 10 isbuuc.  Waxey ka dhigantahay in aabayaasha ay caruur u dhalato ay heli doonaan 4 isbuuc oo fasax dheeri ah.

  6. Waalidka mataanaha dhalay oo fasax ah dheeri ah heli doono xiliga dhalmada kadib: Kowda bisha Juli ee sanadkan waxaa hirgali doono sharci ah in waalidka dhalay caruurta mataanaha ah ay heli doonaan afar bilood oo fasax ah dheeri ah(shaqada ama waxbarashada iwm).

  7.  Lacagta xarumaha xanaanada caruurta oo la kordhiyay: Wixii ka bilowdo sanadka cusub, waxaa la kordhiyay lacagta ay waalidku ugu badnaan ka bixin karaan booska xarumaha xanaanada caruurta(makspris for barnehageplass). Waxaa laga dhigay 2910, halka markii hore ay aheyd 2730.

  8. Caruurta qoysaska dhaqaalaha yar oo waqti dheeri ah heli doono: Wixii ka danbeeyo kowda bisha August ee sanadkan 2018-da, caruurta sadex, afar ama shan sano jirka ah ee kasoo jeedo qoysas ay waalidkood isku dar shaqeeyaan wax ka yar 533.500, ayaa xaq u yeelan doono inay helaan 20 saac oo bilaash ah isbuucii(kjernetid).

  9. Qofku wuxuu u tagi karaa Fysioterapi, isaga oo aan dhakhtar soo marin: Wixii ka bilowdo kowda January wuxuu qofkii u tagi karaa xarumaha caafimaad ee qofka lafaha iyo murqaha loogu duugitaan-daaweeyo.

  10. Baabuurta aan ceymiska kujirin oo lacag ganaax ah aad ku bixin doonto: Wixii ka danbeeyo sanadka cusub, dadka iska leh baabuurta aan kujirin ceymiska sharciga ah(ansvarforsikring), ayaa laga qaadi doonaan lacag ganaax ah oo maalin walba intii uu baabuurku ceymis la’aan yahay. Baabuurta yar-yar waxaa maalintii laga qaadi doonaa 150 Kr.

Xigasho/KILDE: Aftenposten-papiravis-side 4, 1-1-2018.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments