Kiiska wiilkan dhalinyarada soomaaliga ah oo aad looga hadlayo warbaahinta Denmark: Ogow sababta

0
108

Dowlada dalka Denmarka ayaa sanad kahor soo saartay go’aan ay ku sheegtay in dib u qiimeyn lagu sameyn doono magangalyada ilaa 800 qof oo qoxooti soomaali ah, maadaama xaalada amni ee Soomaaliya ay soo roonaatay, waa sida ay dowlada Denmark hadalka u dhigtaye.

Ilaa hada waxaa magangalyada laga ceshtay ilaa 300 qof, waxaana lagu amray inay dalkoodii ku noqdaan. Dadkaas waxaa kamid ah Maxamed Ibrahim oo ah 21 sano jir soomaali ah oo dalkaas magangalyo weydiistay sanadkii 2013, sida uu sheegay muuqaal baahiyaha TV2 ee Denmark.

Inkasta oo uu Mohamed dalkaas mudo kooban joogay, hadana wuxuu si fiican ugu hadlaa luuqada Denmark, wuxuuna heystaa shaqo dhameystiran, isaga oo sifiican ula qabsaday dadka uu la noolyahay iyo deegaanka uu ku noolyahay. Waxa uu bixiyaa Canshuur, wax taageero dhaqaale ahna kama helo dowlada Denmark, waana qof gaaray heer isku filnaansho, marka loo fiiriyo xiliga kooban ee uu dalkaas kunoolaa.

Saaxiibada shaqada ee ka howlgala goobta shaqo ee Mohamed iyo ururka shaqaalaha, ayaa dhawaantan baraha bulshada aad ugu faafinayay muuqaal ay ka sameeyeen xaalada Mohamed, iyaga oo dadka ka codsanayo inay saxiixaan olole lagu dalbanayo in Mohamed aan loo celin Soomaaliya. Waxaana uu taageero balaaran kiiskiisu ka heystaa dadweynaha wadankaas, marka la fiiriyo aragtida ay ka dhiibteen muuqaalkaas.

Sidoo kale warbaahinta Denmark ayaa arinta wiilkan dhalinyarada soomaaliga ah aad u hadalheyso. Iyada oo dadka deegaanka uu ku noolyahay ay ka xunyihiin in loo celiyo Soomaaliya.

Mohamed ayaa racfaan ama cabasho ka gudbiyay go’aanka hey’adda agaasinka soo galootiga dalkaas, balse waxaa loo sheegay inuu dalkaas uga baxo ugu danbeyn 13-ka bishan January.

Wasiirada soo galootiga dalka Denmark , Inger Støjberg oo su aal laga weydiiyay arinta Mohamed ayaa sheegtay ineysan wax micno ah sameynin in Mohamed uu shaqeeyo ama uu dhexgalay dalkaas, qofkana lagu celin karo dalkiisii hadii ay nabadgalyo ka dhacdo. Waxeyna sii raacisay in Mohamed uu yahay qof wanaagsan oo anfici karo dalkiisa.

Xigasho/kilde: TV2.DK(halkan ka daawo muuqaalka)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments