Sweden: Shirkado qoxootiga ka iibiya sheekooyin ay isku dhiibaan oo la kashifay.

0
110

Warbaabinta dalka Sweden ayaa maalmahan aad u hadalheyso shirkado la sheegay inay qoxootiga dalkaas ku cusub ka iibiyaan sheekooyin been-abuur ah, kuwaas oo ay isku dhiibaan, una sahla inay sharci magangalyo dalkaas ka helaan.

Shirkadahan oo si sharci daro ah ku shaqeeya ayaa qofka soo galootiga la dhisa sheeko run u eg, iyaga oo sameeya waxyaabo been-abuur ah, si ay sheekadaas u adkeeyaan ama cadeyn ugu yeelaan. Waxyaabaha ay sameeyaan waxaa kamid ah documentiyo iyo waraaqo been abuur ah, xitaa waxey qofka u sameeyaan qoysas mala awaal ah.

Mid kamid ah dadka ay shirkadahan ka caawiyeen inuu sharci ka helo Sweden oo magaciisa kusoo koobay Hamid, ayaa sheegay in hadii shirkadahaas aysan jiri laheyn maanta dalka Sweden laga tarxiili lahaa. Hamid  ayaa sheegay in:

-Markii diidmada la iga siiyay wakaaladda socdaalka ee Migrationsverket, waxaan ka cabsaday in Iiraan la igu celiyo. Kadibna waxaan ogaaday inay jiraan shirkado dadka ka caawiya helida sharciga magangalyada . Waxay iga iibiyeen bogg internetka ka jira oo mucaarad ku ah dawladda Iiraan, markaa waxeyna iga caawiyeen in ay u ekeeysiiyaan in aan boggaas iska leeyahay, si aan hey´adda socdaalka aan ugu idhaahdo in aan waddankeyga ku laaban karin. Hamid ayaa markii danbe si toos ah u helay sharciga magangalyada dalkaas.

Lacagta ay shirkadahan qofka ka qaadaan ayaa gaareysa ilaa 60.000 SEK oo lacagta dalkas Sweden ah. Waxeyna qofka u balanqaadaan inuu sharciga dalkaas helayo.

Shirkadahan oo ilaa sadex shirkadood gaaraya ayaa sidoo kale dadka ka iibiya sheekooyin ay isaga dhiibaan wadamada Germany, UK, Sweden iyo Mareykanka.

Wakaalada socdaalka dalka Sweden ayaa sheegtay in arintaas ay tahay mid halisteeda leh, balse ay adagtahay in wax laga qabto.

Xigasho/kilde: Radio-sverige

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments