BT: Ilaa 2008, 120 gabdhood ayaa gudniin laga baaray Norway, midkoodna gudniin lagama helin.

0
232

Warbaahinta dalkan Norway guud ahaan ayaa maanta aad u hadalheyso kiiska aabe soomaali ah oo degan magaalada Bergen, kaas oo gabar yar oo uu dhalay labo mar gudniin laga baaray 18 bilood gudahood.

Wargeyska BT oo kasoo baxa magaalada Bergen ayaa maanta soo taabacay warbixin iyo tirokoob uu kasoo xigtay isbitaalka Haukeland ee magaalada Bergen, waxaana warbixintaas lagu sheegay in tan iyo sanadkii 2008-da, 120 gabdhood oo Norway ku dhashay lagu sameeyay baaritaan la xiriira gudniin. Midkoodna aan laga helin wax gudniin ah.

Claus Møller oo ah dhakhtarka fuliyay inta badan baaritaanadan ayaa sheegay in kiisaska kali ah ee gudniinka la helay uu yahay kiisaska gabdho lasoo guday, inta aysan Norway imaanin.

Xigasho/kilde: NTB-Dagsavisen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments