Soomaalida Mareykanka maxey inta badan ku muteystaan in la tarxiilo?

0
89

Dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay, waxaa si aad ah kor ugu kacay tirada dadka soomaaliyeed ee laga soo tarxiilayo dalka Mareykanka. Waxeyn arintaas si aad u soo shaac baxda, kadib markii uu maamulka la wareegay madaxweyne Donald Trump.

Isbuucii hore waxaa soo shaac baxday in diyaarad waday ku dhawaad boqol soomaali ah oo Mareykanka laga tarxiilay, dib loogu soo celiyay dalkaas, kadib markii ay suurtogali weyday in Soomaaliya lagu celiyo. Diyaarada dadkan waday ayaa sii mareysya dalka Senegal, waxaana loo diiday inay dadkaas gudbiso, iyada oo markii danbe dib loogu soo celiyay Mareykanka.

Dadkan ayaa isugu jiro kuwo ku cusub dalka Mareykanka oo dhawaan uu yimid, iyo kuwo degenaa mudo aad u badan oo 20 sano iyo dheeri gaareyso.

Xagey ku dambeeyeen dadkaasi?

Waxaa sidoo kale dhawaan soo baxday in dadkaas dib loogu celiyay xabsi ku yaala magaalada Minnesota, waxaana suurtogal ah in markale la soo musaafuriyo.

Kim Hunter oo qareen u ahayd labo ka mid ah dadkaasi oo ku noolaa Miami ayaa laanta afka soomaaliga ee BBC-da u sheegtay in dhammaan 92-da qof ee Soomaalida ah weli isku meel lagu hayo.

Illaa iyo hadda macadda sababta diyaarada loo celiyay, balse waxaa jiro warar sheegaya in «amni xumada Soomaalida aawadeed loogu celiyay Mareykanka,» sida ay sheegtay Kim Hunter.

Labada qof ee ayadu ay u doodeysay oo rag ah, ayaa da´ahaan 40-jiro ah, mudana ku noolaa Mareykanka, balse waxaa loo diiday in megengelyo iyo sharci lasiiyo.

«Labada qof ee aan qareenka u ahay weligood dembi kama aysan galin Mareykanka. Waxaa la diiday codsigooda magangelyada ee ay dalbadeen bartamihii 90-maadkii iyo horraantii 2000,» ayey Kim Hunter u sheegtay idaacada BBC-da.

Maxaa sababa musaafurinta?

Arrimo badan ayaa loo aaneynayaa in ay sabab u yihiin in dhalinyarada Soomaalida laga tarxiilo dalka Mareykanka, waxaana ka mid ah «dembiyada». Koox qareenno ah oo la kulmay qaar ka mid ah waalidiinta Soomaalida ee Minnesota ayaa  sheegay in ay billaabeen in waalidiinta ka wacyigeliyaan dembiyada caruurtoodu geysanayaan ee «halista ku ah mustaqbalkooda».

Danbiyada ugu badan ee sababta tarxiilka soomaalida ayaa ah gacan ka hadalka, waxaa sidoo kale kamid ah baabuurta la xado, qof wax laga xoogo iyo danbiyo kale oo yar-yar, kuwaas oo qofka diiwaanka loo galiyo, ugu danbeyna keeni kara in qofka dalkaas laga tarxiilo.

Soomaalida oo kali ah ma ahan ee danbiyadu waxa ay sanad walba tarxiil u sababaan kumanaan soo galooti ah oo dalkaas kunool.

 

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments