Norway oo xarun cusub u dhiseyso hey´adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

0
100
Foto: Radio-Muqdisho Maxamed Aaden Jimcaale "Koofi" iyo Frode Fong.
Foto: Radio-Muqdisho
Maxamed Aaden J»Koofi» iyo Frode Fong, agaasimaha hey´adda UDI-da Norway

Dowlada Norway ayaa lacag badan ku bixineyso dhisitaanka xarun cusub oo ay yeelan doonto hey´adda socdaalka iyo jinsiydaha Soomaaliya. Xaruntan ayaa lagu wadaa inay noqoto xarunta guud ee hey´adda socdaalka iyo jinsiydaha.

Warkan ayaa lagu sheegay qoraal ay safaarada Norway ee dalka Kenya ay soo dhigeen bartooda Twitterka, iyada oo sidoo kale ay xaqiijisay hey´adda socdaalka Soomaaliya.

Norway ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya ka caawiya dib u dhiska kaabayaasha dowliga ah, iyada oo hey´adda socdaalka iyo jinsidaha ay kamid tahay meelaha ay Norway sida gaarka ah u taageerto.

Waxaa bilo kahor dalkan Norway booqasho ku yimid madaxa hey´adda socdaalka iyo jinsiyadaha, Mohamed A. Koofi, iyada oo dhawaan ay dalka Soomaaliya booqdeen saraakiil ka socoto hey´ada socdaalka Norway, kuwaas oo qiimeyn ku sameynayay qaabka ay hey´addaas u shaqeyso.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments