Midowga Yurub oo dalbaday in la joojiyo ilaalinta joogtada aheyd ee xuduudaha dalalka Yurubta.

0
98

Midowga Yurub ee EU-da ayaa dalbaday in la joojiyo ilaalinta joogtada ah ee saaran xuduudaha dalka Yurub, taas oo lasoo rogay sanadki 2015, ilaa hadana si kumeel gaar ah u dhaqan galeysay.

EU-da ayaa codsaday in wax walba ay kusoo noqdaan sidii ay ahaan jireen ee caadiga aheyd, iyaga oo sheegay inay meesha ka baxday baahidii markii horeba keentay in lasoo rogo ilaalo joogto ah.

Dimitris Avramopoulos oo ah masuulka midowga Yurub u qaabilsan arimaha gudaha ayaa sheegay in arintaas loo baahanyahay in lasoo afmeero.

Dalalka xuduudahooda sida joogtada ah u ilaaliyo ayaa waxaa kamid ah Norway, Denmark, Sweden, Germany, Frace iyo Austria.

Xigasho/kilde: ABC-NYHTER-NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments