Booliska Denmark oo baafinaya gabadhan soomaalida ah oo mudo hal isbuuc ah la la ´yahay.

0
153
Foto: Privatfoto/avgitt av politiet

Booliska dalka Denmark, gaar ahaa qeybtooda Sydøstjyllands ayaa baafinaya gabadhan 19-jirka soomaalida ah oo la weysanyahay mudo hal isbuuc ah, kana maqan gurigeeda. Gabadhan ayaa dalka Denmark ku cusub, waxeyna timid mudo sadex isbuuc oo kali ah kahor, iyada oo ku hadasha af soomaali oo kali ah, sida ay boolisku sheegeen.

Magaca gabadhan ayay boolisku sheegeen inuu yahay Hodan Maxamuud, waxeyna sheegeen in la weysanyahay ilaa iyo 4-tii bishan Desember. Sida ay boolisku sheegeen gabadha wax asxaab ah ama dad kale oo ay taqaan ah kuma lahan Denmark.

Booliska ayaa dadweynaha Denmark ku dhaqan ka codsanaya inay lasoo xiriiraan booliska hadii ay arkeen gabadhan ama macluumaad ka hayaan arinteeda. Waxaadna kala xiriiri kartaa numberka 114.

Fadlan qoraalkan la qeybso asxaabteeda soomaalida ah ee ku dhaqan Denmark guud ahaan.

Xigasho/kilde: TV2SYD.DK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments