Sweden: Xisbiyada dowlada oo isku raacay in la cafiyo qaar kamid ah dhalinyarada diidmada heshay.

0
101
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Isbaheysiga Xisbiyada dowlada dalka Sweden ayaa isku raacay heshiis lagu ogolaanayo in Sweden ay sii joogaan, waxna kusii bartaan qaar kamid ah dhalinyarada diidmada ka heshay sharciga magangalyada.

Heshiiskan cafiska loogu fidinayo dhalinyaradaas ayaa khuseeyo dhalinyarada dalka Sweden soo gashay sanadkii 2015 iyaga oo markaas ka yar 18 sano, isla markaana magangalyo codsaday wixii ka horeeyay 24-ka bisha November ee isla sanadkaas.

Shardiga ku xiran qofka cafiska loogu fidinayo ayaa ah inay jawaabta codsiga magangalyada sugayeen wax badan 15 bilood, isla markaana uu qofku buuxiyay da´da 18 sano, inta ay jawaabtu ka maqneyd. Kadibna diidmo ka helay magangalyada maadaama uu qofku noqday qaangaar, isla markaana loola xisaabtamay sidii qof weyn.

Afhayeenka xisbiga Miljöpartiet ayaa sheegay in arintan dhalinyaradan aan loo ciqaabi karin in xiliga ka shaqeynta codsiga magangalyadu uu ku dheeraaday. Sidaasna ay ku heleen magangalyo.

Xisbiga Miljöpartiet ayaa mudo badan u dagaalamayay in dhalinyaradan la siiyo jaanis cusub oo dib loogu fiiriyo kiisaskooda, waxeyna ugu danbeyn ku guuleysteen inay kiiskaas ka dhaadhiciyaan xisbiyada kale ee dowlada dalka Sweden.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments