Soomaalida degan Fredrikstad oo kulan ka yeelatay arimaha hey´ada Barnevern-ka iyo systemka iskuulada Norway

0
225

Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Fredrikstad ee gobolka Østfold ayaa sabtidii lasoo dhaafay kulan ka yeeshay arimaha hey´ada xanaanada caruurta dalkan Norway ee Barnevern-ka, kana wada hadlay nidaamka waxbarashada dalkan Norway, laga soo bilaabo xanaanada caruurta ilaa dugsiyada sare.

Waxaa kulankan kasoo qeybgalay dad soomaaliyeed oo aqoon u leh ama la shaqeeyo hey´adda barnevernka iyo nidaamka waxbarasho ee dalkan Norway. Ismarkaana waxey warbixino ku saabsan barnevernka iyo sida looga hortagi karo in caruurtu ay iskuulada ka dhacaan la qeybsaday dadkii halkaas kasoo qeybgalay, sida uu noo xaqiijiyay Cumar Beylood oo katirsan masuuliyiinta jaaliyada soomaaliyeed ee Fredrikstad.

Sidoo xildhibaanada soomaalida ah ee katirsan golaha deegaanka Fredrikstad, Maxamed Warsame iyo Muxyidiin Cabdi oo labduba katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap.

Mowduuca guud ee kulanka ayaa ahaa sidii isdhexgal loola sameyn lahaa bulsho weynta ku dhaqan Norway, waxaana la isku afgartay in la joogteeyo, lana balaariyo kulamada noocan oo kale ah.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments