Muuqaalkan ku saabsan khiyaanada soomaalida ee systemka ceyrta Norway, ma ahan mid cusub oo hada ah.

0
143

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada ee soomaalidu ay ku kulanto, gaar ahaan Facebooga la wareejinayay, aadna loo hadalhayay, muuqaal uu TV-ga qarankan dalkan Norway 6 sano kahor ka sameeyay qoysas soomaali ah, kuwaas oo khiyaano ku sameeyay nidaamka ceyrta dalkan Norway.(hoos ka daawo warbixinta xaqiiqda ah)

Warbixinta muuqaalka ayaa ah mid uu NRK sameeyay bishii Maarso ee sanadkii 2011, waxa uuna ku saabsanyahay howlgal ay booliska Norway ku qaadeen qoysas oo soomaali ah, kuwaas oo sheegay inay isfureen, balse xaqiiqo ahaan wada nool oo isqaba.

Warbixinta NRK ayaa waxaa sidoo kale ku xusnaa in 100 haween soomaali ah ay caruur u dhaleen nimankooda oo ah dowlada u sheegeen inay kala tageen.

Inkasta oo warbixintan ay tahay mid ceeb, waji-gabax iyo yaxyax ugu filan soomaalida Norway, hadana ma ahan mid cusub oo hada ah. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in dadku aysan u qaadan wax hada dhacay, isla markaana aysan buun-buunin.

Kooxaha soo galootiga neceb ayaa warbixintan u turjumay English, waxeyna aad ugu qeybiyaan baraha bulshada, si ay dadka u tusinayaan khiyaanada soo galootigu ay ku hayaan nidaamka ceyrta wadamada ay yimaadaan.

Halkan ka daawo: Warbixinta originalka ah ee NRK

Halkana daawo: Mid kamid ah warbixinada baraha soomaalida lagu wareejinayay. 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments