Dhaxal sugayaasha boqortooyada Norway oo booqasho ku joogo Ethiopia.

0
151
Foto: Det kongelige hoff

Dhaxalsugaha boqortooyada dalkan Norway Haakon Magnus iyo marwadiisa ayaa booqasho rasmi ah maanta oo axad ah ku tagi doono dalka Ethiopia. Waxaana safarkooda ku weheliya 50 maamule oo ka socdo shirkadaha waaweyn ee ganacsiga dalkan Norway iyo masuuliyiin ka socoto wasaarada arimaha dibada dalkan Norway.

Ethiopia ayaa ah dalka sagaalaad oo ay Norway siiso deeqda dhaqaale ee ugu badan, waxaana sanadkii lasoo dhaafay ay Norway Ethiopia ugu deeqday lacag dhan 442 milyan nok.

Norway ayaa Ethiopia u aaminsan iney tahay wadan dhaqaalihiisa uu soo koroyo, sidaas darteed noqon karta fursad maalgasho oo ganacsatada norwiijiga ah ay ka faa´iideysan karaan.

Safarka qoyska dhaxal sugayaasha boqortooyada Norway, ayaa waxaa sidoo kale ku weheliyo Tone Skogen oo ah xoghayaha wasaarada arimaha dibada Norway u qaabilsan horumarinta.

Safarkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo Ethiopia sanadadii ugu danbeeyay ay ka socdeen xaalado kacsanaan oo u dhaxeeya dowlada iyo qaar kamid qowmiyadaha Ethiopia, gaar ahaan Oromada. Sidoo kale waxaa jiro isku dhacyo u dhaxeeyay qowmiyada soomaalida iyo Oromada oo baryihii ugu danbeeyay ka aloosnaa xuduudka ay wadaagaan maamul goboleedyada labadan qowmiyadood.

Xigasho/kilde: ABC-NYheter

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments