Muhiim: NRK oo soo bandhigay sheeko xanuun badan oo laga diyaariyay labo caruur soomaali ah oo Soomaaliya loo dhaqan-celiyay

0
171
Foto: Faksimile NRK

Tv-ga qaranka dalkan Norway ee NRK ayaa maanta soo bandhigtay warbixin dheer iyo muuqaal laga sameeyay sheeko xanuun badan oo ay la kulmeen wiil iyo gabar soomaali ah, kuwaas oo laga dhaqan celiyay wadankan Norway. Lana geeyay Soomaaliya, halkaas oo ay sheegeen inay kula soo kulmeen ciqaab, jirdal, xabsi iyo dhibaateyn maskixiyan ah.

Warbixintan ayaa ah mid laga sameeyay labo caruur soomaali ah, oo ku koray dalkan Norway, balse ay waalidkood ay ku celiyeen Soomaaliya. Waxaana ay NRK si faah-faahsan qoraalkooda uga hadleen dhibaatooyinka ay caruurta Soomaaliya lagu celiyo, loogana soo tago ay la kulmaan(hoos ka gal linkiga NRK).

Dhalinyaradan ayaa sheegay in waalidkood ay qiyaameeyeen, ayna u sheegeen inay soo booqon doonaan qaraabadood Soomaaliya degan, laakiin markii danbe lagu xareeyay goobo quraanka lagu barto kuwaas oo xabsi ahaan u sameysan.

Waxaan nalagu xiray sil-silado iyo jirdil joogto ah:

Dhibaatooyinka ay caruurtan sheegeen inay lasoo kulmeen, waxaa kamid ah jirdal, jeedal, ciqaab xabsiyeed iyo in lugaha silsilado looga xiray.

Wiilka ayaa waxaa la geeyay goob lagu barto quraanka oo lagu magacaabo Al Badriya, kuna taalo magaalada Boosaaso ee woqooyi bari Soomaaliya. Wuxuuna si faah-faahsan oo xanuun badan uu uga hadlayaa wixii uu halkaas kula soo kulmay.

Wiilka ay NRK sheekada xanuunka badan ka diyaariyeen ayaa sheegay inay jiraan labo wiil oo dhalashada Norway heysta, isla markaana wali ku sugan xaruntaas dugsiga ah ee Al badriya. Wuxuuna codsaday in saaxiibadiis si deg-deg ah Norway loogu soo celiyo.

Halkan ka akhri sheekada wiilka iyo gabadhan: Waa muhiim in arintan ay daawadaan ama akhristaan waalidka ku fakaraya inay caroortooda wadankii u dhaqan-celiyaan.

Linkiga NRK: Halkan ka daawo

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments