Deg-deg: Listhaug oo shan wasiir isugu yeertay kulan deg deg ah, si looga arinsado caruurta soomaaliya loo dhaqan-celiyo

0
131

Tv-ga qaranka Norway ee NRK ayaa maanta soo bandhigay sheekooyin xanuun badan oo ay la kulmeen  dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo Soomaaliya loo dhaqan-celiyay.

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, S. Listhaug ayaa isla caawaba sheegtay inay kulan deg-deg ah isugu yeertay shan wasiir oo kale, si ay uga arinsadaan waxa ay dowladu ka qaban karto arimaha ay la kulmaan caruurta la dhaqan-celiyo.

 

Wasiirada ay Listhaug kulanka deg-dega ah isugu yeertay ayaa kala ah: Wasiirka waxbarashada, wasiirada shaqada, wasiirada caruurta iyo qoysaskawasiirada dhaqanka iyo wasiirka caafimaadka. 

Kulankan deg-deg ah ayaa dhici doono isla beritba, waxeyna Listhaug sheegtay inay isla fiirin doonaan qaabka uu sharciga dalkan Norway uu arintaas si fiican wax uga qaban karo, iyo sidii caruurtaas loola socon lahaa.

Dooda ugu badan ee caawa ka socoto tv-ga qarankan Norway, ayaa ku saabsan arinta caruurta soomaalida ah ee Norway laga celiyo. Waxeyna u muuqataa mid sii socon doonto maalmaha soo socdo.

Xigasho/kilde: NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments