Merkel oo ku guuldareysatay inay xukuumad dhisto iyo jahwareer siyaasadeed oo Germany ka taagan.

0
147
Merkel, Germany

Dalka Germany ayaa galay xaalad wareer siyaasadeed ah, kadib markii maalintii shalay aheyd lagu kala kacay wada hadalkii u socday xisbiyadda CDU/CSU ,FDP iyo Grüne .

Gudoomiya xisbiga FDP Christian Lindner ayaa isagu ka baxay goobta wada hadalku uga socday xisbiyadda, wuxuuna sheegay inaan lagu kalsoonaan karin qorshaha ay wataan Xisbiyadda CDU/CSU iyo xisbiga Grüne, islamarkaana aanay xisbiyadan wadaagin aragti ku saabsan casriyeynta wadankan jarmalka.

Gudoomiyuhu wuxuu hadalkiisa sii raaciyey»waxa fiican inaanad waxba maamulin intaad si xun wax u maamuli lahayd .
Xisbiga Grüne oo guuldaradda wada hadaladda si cadho leh uga hadlay ayaa eed dusha uga tuuray xisbiga FDP oo uu tilmaamaay inuu masuul ka ahaa inay wada hadaladu fashilmaan.


Gualand oo isagu ka tirsan masuuliyiinta sar sare ee xisbiga midigta fog ee AFD ayaa si jees jees ku jiro u yidhi

«Angela Merkel way fashilantay waxaanaanu cidsanaynaa doorasho kale oo aanu cod badan ku heli doono»


Angela Merkel oo iyadu dhankeeda ka hadashay dhacdadan, waxayna sheegtay inay wax kasta u samayn doonto sidii uu wadanka Germany uga baxo jahwareerka siyaasadeed.  


Xisbiga SPD oo ay hore bah wadaag u ahaayeen Angela Merkel ayaa isagu hore ugaga baaxay xulafada kadib markii ay Angela Merkel lumisay codad badan, balse waxay u egtahay in ay Merkel mar kale codsi hordhigi doonto SPD.


Waxyaabaha ugu badan ee khilaafku ka jiro ayaa ah iyadoo xisbiga Grüne doonayo in la yareeyo wasakhowga /dikhowga deegaanka lana dhimo isticmaalka baabuurta ,halka xisbiga FDP ku doodayo in la ilaaliyo warshadaha iyo shaqooyinka. Sidoo kale waxa miiska saaran in qoxootiga qoysaskooda loosoo qaado taas oo ay iska dhago marayaan xisbiyadda CDU/CSU.

Si kastaba faaladda ugu badan ee maanta wargaysyadu qorayaal ayaa ah in jarmalka ay qasab ku noqon doonto in doorasho kale la qabto doorashadaas oo uu masuul ka ayahay ama uu ku baaqi doono madaxweynaha wadanakan mr Frank-Walter Steinmeie.

Xigasho/kilde: Somali News in Germany

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments