Abdullahi Ibrahim CC: Mange somaliske foreldre føler seg maktesløse

0
217
Abdullahi CC, Bergen Foto: Faksimile/Bergens Tidende
Qoraalkan waa nuxurka maqaal aan maanta kusoo daabacay wargeyska weyn ee Bergens Tidende. Hoos ka akhriso, isaga oo dhameystiran oo af norwiiji ku qoran.

Waxaa isbuucayadii la soo dhaafay warbaahinta Norway si aad ah looga hadal hayay caruur soomaaliyeed oo Norway laga celiyay si ay dugsiyo Qur’aan ugu soo dhigtaan Soomaaliya. Waxay NRK soo qortay warbixin ay ka sameysay  waraysiyo ay la yeesheen dhalinayaro  sheegay in si xun loola dhaqmay oo xadgudubyo badan loogu geystay dugsiyadii la geeyay.

Arrintaan waxay sababtay in dhaleeceyn baahsan loo soo jeediyo waalidiinta soomaaliyeed. Waxaa laga yabaa in arrintani ay sababto in dowlada Norway ka qaadato go’aamo lidi ku noqon kara soomaalida.

Haddaba waxaan qabaa in hoosta laga xariiqo inaysan arintaan wada quseyn soomaalida oo dhan, oo dadka ubadka celiya dhammaan aysan dhib u geysan carruurtooda. Arrinta kale ee muhiimka ah, waxay tahay in la ogaado sababaha keena in caruurta dib loo celiyo.

Aniga waxay ila tahay in ka soomaali ahaan ay na haysato dhibaato laxariirta dhanka barbaarinta iyo laqabsiga wadanka. Sida aan wada ogsoonahay waxaan ka nimid wadan bulshada oo dhan ay ka qeybqaadato barbaarinta ubadka. Halka Norway aan kula kulanay dhaqan ka gedisan kii aan naqiin, dhaqankaas oo carruurta siinaya xuriyad badan oo nagu adag in aan la qabsano.

Taas waxaa sii dheer waddankaan oo leh hay’ado dawli ah oo carruurta kala wareegaya waalidiinta haddii loo arko inaysan siin Karin barbaarintii loo baahnaa. Taas waxay sababi kartaa in waalidiintu doortaan inay carruurtii dib ugu celiyaan Soomaaliya. Marka waxaa nala gudboon in aan xoogga saarno sidii aan ula qabsan lahayn waddanka aan ku nool nahay, ugana badbaadi lahayn in il gaara nalagu hayo, oo aan noqono waalid og waxa laga rabo.

Halkan ka akhri maqaalka Abdullahi CC ee Bergens Tidende .(Mange somaliske foreldre føler seg maktesløse).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments