Xildhibaan Ap ah oo baarlamaanka Listhaug ku weydiiyay xaalada caruurta Soomaaliya dugsi quraanka loogu diro

0
205

Waxaa wali socdo kalfadhigii ugu horeeyay oo ay sanadkan yeeshaan xildhibaanada baarlamaanka dalkan Norway. Waxeyn xildhibaanadu su´aalo weydiinayeen wasiirada katirsan xukuumada Solberg.

Jan Bøhler oo ah xildhibaan katirsan xisbiga Ap, lagana soo doorto magaalada Oslo ayaa maanta su´aal ku saabsan caruurta loo diro wadamo ay Soomaaliya kamid tahay, si ay usoo bartaan quraanka weydiiyay wasiirada soo galootiga, S. Listhaug. Wuxuuna su´aashiisa u dhigay qaab in waalidintaas ay ka cabsi qabaan in caruurtoodu ay ka raacaan dhaqanka Norway.

Xildhibaankan ayaa soo qaatay warbixin laga diyaariyay caruurta wadanka dibadiisa loo diro, kaas oo soo baxay sanadkii 2014. Wuxuuna sidoo kale tusaale usoo qaatay muuqaal ka baxay TV-ga qaranka kaas oo laga soo duubay magaalada Hargeysa. Wuxuuna Listhaug weydiiyay waxa ay dowladu arintaas ka qabatay ama u qorsheysan inay ka qabato.

Listhaug ayaan wali ka jawaabin, su aasha Jan Bølher, waxaana ay heysataa waqti ay uga baaraan dagto jawaabta su´aashiisa.

Tv-ga qaranka Norway ayaa bilo kahor warbixin kasoo diyaariyay gabdho soomaali ah, kuwaas oo kujiray xarun dugsi quraan ah oo kutaal magaalada Hargeysa. Waxaana xaruntaas howlgal ku qaaday booliska Somaliland, iyada oo laga soo qabtay gabdho heysto dhalashada dalal ay kamid tahay Norway iyo Denmark.

Denmark ayaa soo jeedisay in sharciga lagala noqdo, caruuurtana lagala wareego waalidka ilmahooda u dira dugsi quraanka. Halka Norweyna ay qorshe noocaas oo kale ah soo bandhigtay bilo kahor.

Xigasho/kilde: Stortinget.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments