USA: Ninkan ayaa ka danbeeyay xasuuqa lagu laayay 50-ka qof.

0
105

Booliiska magaalada Las Vegas ayaa shaaciyay magaca ninka ka danbeeyay xasuuqa maanta lagu laayay 50-ka qof, laguna dhaawacay inta ka badan 500 qof. Stephen Paddock oo 64 jir ah ayay booliiska sheegeen inuu ka danbeeyay dilka 50 qof iyo dhaawaca boqolaalka qof ee kale. Xasuuqa uu ninkan geystay ayaa ahaa kii ugu darnaa abid ee taariikhda cusub ee Mareykanka.

Stephan oo kasoo jeedo magaalada Mesquite ee gobolka Navada, ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad daawanayay bandhig fanneed uu dhigayay musiigiistaha lagu magacaabo Jason Aldean habeenimadii axadda sii baxaysay ee gobolka Nevada.

Waxa uu maalmo kahor kireystay qol ku yaala dabaqa 32-aad ee hoteelka Mandalay Bay, halkaas oo uu maanta dadka kasoo tooganayay. Markii ay booliiska galeen qolkii uu degenaa ayaa waxaa laga heley illaa 10 qoryaha darandooriga u dhaca, waxeyna sheegeen inuu isdilay, kahor inta aysan boolisku qolkiisa soo gaarin.

Madaxa ciidammadda booliiska Las Vegas, Joseph Lombardo ayaa sheegay in falkan aanan wali lagu tilmaami karin mid argagixiso. Cod laga duubay xafladda ayaa waxa uu muujinayaa in Paddock uu isticmaalay qoryaha darandooriga u dhaca, waxaana xaflada ku sugnaa dad kor u dhaafaya 22.000 qof.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments