USA: In kabadan 50 ruux oo ku dhimatay toogasho ka dhacday Las Vegas

0
118

Ugu yaraan 50 ruux ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhinteen, 200 kalana ay ku dhaawacmeen,  toogasho iyo tacshiiead ka dhacday bandhig faneed lagu qabanayay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay barxadii uu bandhiggu ka socday oo ku taalla hoteelka Mandalay Bay. Boqolaal dad ah ayaa ayaa la arkayay iyaga oo  ka firxanaya goobta ay rasaastu ka dhaceysay.

Booliisku waxay sheegeen in qofkii laga shakisnaa «dhulka la dhigay» isla markaasna aysan rumaysnayn in ay jiraan dad kale oo laga shakisan yahay. Waxaa jira war kale oo sheegaya in arrin kale ay ka dhacday goob kale oo isla Las Vegas ah.

Qof u hadlay isbitaal kamid ah kuwa dhaawacyad la geeyay ayaa sheegay in xaalada 40 qof oo kamid ah dhaawaca la keenayay ay tahay mid aad u liidato.

Wixii warar kusoo kordha arintan, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments