Sweden: 20 jir qirtay inuu ka danbeeyay dabkii masaajidka Örebro

1
158

Booliska dalka Sweden ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay 20-jir swedish ah, kaas oo qirtay inuu daaray dabkii isbuucii hore la qabadsiiyay masaajidka muslimiinta ee magaalada Örebro.

Dabka la qabadsiiyay masaajidka ayaa burburiyay qeybo masaajidka kamid ah, halka uu dhaawacyo waaweyn gaarsiiyay qeybaha kale ee masaajidka. Waxeyna boolisku horey u sheegeen in dabkaas uu ahaa mid si ula kac ah loo daaray, ujeedkuna uu ahaa in dad lagu dilo.

Ururada muslimiinta ayaa iyaga dhankooda dowlada Sweden iyo laamaha amaanka ka codsaday in la adkeeyo amaanka masaajida iyo goobaha cibaadada dadka muslimiinta ah. Maadaama sanadihii ugu danbeeyay ay kor u kacday tirada falalka weerarada ah ee loo geysanayo masaajidka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
hassan
6 years ago

asc warbixina aad soo qortiin si la fahmi karo u soo tafatir tusaale ninkan 20 jirka ah ee qirtay gubitaanka masjidka waa kuma ma swish baa yuu yahay inteese ka soo xigateen. mahadsanidiin aad ayaad ugu mahadsan tihiin warbixinada aad na sii saan.