SSB: 1082 caruur soomaali ah ayaa sanadkii lasoo dhaafay ku dhashay Norway

0
202

Sida ku xusan tirokoob ay sameysay wakaalada xog uruurinta ee SSB, waxaa sanadkii lasoo dhaafay guud ahaan wadankan Norway ku dhashay 58.890 oo caruur ah, kuwaas oo oo ay kamid yihiin 1082 caruur soomaali ah. 27% guud ahaan caruurta Norway ku dhalatay sanadkii lasoo dhaafay, ayaa ah kuwo ay hooyadood soo galooti tahay.

Soomaalida ayaa ah qowmiyada sadexaad ee ugu taranka badan Norway, marka laga reebo norwiijiga iyo dadka u dhashay wadanka Poland.

Waxaa sidoo kale warbixintan lagu xusay in taranka dadka norwiijiga asalka ah uu hoos u dhacay, iyada oo gabadha norwiijiga ah ay isku cel-celis dhasho 1,71 ilmood(wax ka yar labo ilmood). Si ay usii jirto jiritaanka qowmiyada, waa in lab qof oo walba ay dhalaan ugu yaraan 2,06(labo ilmood, oo iyaga badala). Waxaa muuqato in tirada taranka dadka norwiijiga ah ay ka yartahay tirada ugu yaraan laga rabo.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no, Adressa/ntb.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments