SR: Muwaadin soomaali ah oo dhalashada Sweden heystay oo kamid noqday dadkii lagu dilay qarixii hotelka Naaso-hablood.

0
248

Sida aan kasoo xiganeyno, idaacada Sveriges Radio, qeybteeda afka soomaaliga, muwaadin soomaali ah oo ka tagay dalka Sweden ayaa kamid ah noqday dadkii habeen hore lagu dilay weerarkii hotelka Naaso-hablood ee magaalada Muqdisho.

Ninkaan odeyga ah ee falkaas argagixisada ah lagu diley ayaa waxaa geeridiisa SR u xaqiijiyey qoyskiisa iyo waliba dad kale oo ey ka mid tahay Willo Abdulle oo ah gabar soomaaliyeed oo dhalashada dalkan Sweden heysata isla markaasna xiligan ku sugan magaalada Mogadisho.

Galabnimadii sabtida ayey aheyd markii qarax lala eegtey hotel Naasa-hablood 2 ee Mogadishu, waxaana weerarka guud ahaan ku dhintay 29 qof oo ay kamid ahaayeen masuuliyiin DFS  katirsan. Masuuliyada weerarkaas ayaa waxaa sheegytay ururka Al shabaab.

Dadka halkaas ku dhintey ayaa waxaa ka mid ahaa odeygaan soomaali/ Iswiidhishka ah oo la sheegay inuu deganaa degmada Borlänge ee dalka Sweden. Waxaana sidaas SR u xaqiijiyay qeybo kamid ah qoyskiisa.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sweden ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo gaarin geerida muwaadinkan soomaaliga ah ee heysta dhalashada dalka Sweden.  Wasaarada Arimaha dibadda Sweden ayaa guud ahaan dadka uga digto inay u socdaalaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xigasho/kilde: Sveriges-Radio.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments