Dowlada Norway oo rabta inay ogolaato in dadku ay labo jinsiyadood isku heysan karaan.

0
157

Dowlada Norway ayaa soo saartay soo jeedin cusub oo ku saabsan in la ogolaado in qofku uu isku heysan karo jinsiyada dhalashada Norway iyo jinsiyada wadan kale. Wasiirada arimaha soo galootiga ayaa soo jeedintan loo diray baarlamaanka, waxaana laga doodi doonaa bilaha soo socdo.

Norway ayaa kamid ah wadamada faro ku tiriska ah ee aan laga ogoleyn in qofku uu labo jinsiyadood isku heysto, waxuuna hadalka dowladu ka dhiganyahay in kumanaan qof oo dhalashada Norway heysto, ay heli karaan xuquuq cusub oo dheeri ah. Si gaar ah wuxuu sharcigan u anfici doonaa ganacsatada Norwiijiga ah ee ganacsiga waaweyn ku leh wadamada ka baxsan Yurub, sida Mareykanka.

Xisbiyada dowlada ee Høyre iyo Frp, ayaa horey u muujiyay inay taageersanyihiin in isbadal lagu sameeyo xeerka jinsiyadaha, si loo fududeeyo in dadku ay labo jinsiyadood ay isku heysan karaan.

Xigasho/kilde: NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments