Denmark oo mamnuuceyso indho-shareerka

0
214

Baarlamaanka Denmark ayaa qarka u saaran inay meel-mariyaan soo jeedin ka timid xisbiga xagjirka ah ee DF, kaas oo ku saabsan in insho-dhareerka laga mamnuuco dalka Denmark.

Venstre oo ah xisbiga reysulwasaaraha hada talada haya ee Lars Løkke Rasmussens, iyo qaar kamid ah xisbiyada kale ee mucaaradka ayaa taageersan soo jeedintan. Socialdemokratiet oo kamid ah xisbiyada ugu dhex-dhexaadsan siyaasada soo galootiga Denmark ayaa isna sheegay inuu taageersanyahay qorshahan baarlamaanka Denmark ay dhawaan codka u qaadi doonaan.

Waxaa xusid mudan in mamnuucistan ay saameyn doonto indho-shareerka ay xirtaan dumarka muslimiinta ah, laakiin calaamadaha kale ee diiniga ah ee wajiga qofka qarin kara ayaa wali laga ogolyahay Denmark.

Denmark ayaa ku biireyso wadamo katirsan midowga Yurub, kuwaas oo horey u dhaqangaliyay sharciyo ku saabsan mamnuucista indho-shareerka ay xirtaan dumarka islaamka ah. France, Belgium iyo Austria ayaa Denmark ugu horeeyay mamnuucista Niqaabka.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments