SV iyo KRF oo soo jeediyay in isbadal lagu sameeyo kiisaska la xiriira dib u celinta dadka lagu heysto aqoonsigooda

0
97
Foto: Skjermdump/NRK

Warbaahinta Norway ayaa maalmihii ugu danbeeyay si aad ah u hadalheysay kiiska gabar soomaali ah, taas oo ay dowlada Norway sheegtay inay ka tarxiileyso dalkan, kadib markii la sheegay inaysan run ka sheegin aqoonsigeeda shaqsiyeed, markii ay Norway magangalyada weydiisaneysay.

Gabadhan soomaalida ah ayaa ah hooyo dhashay afar caruur ah, waxeyna u dhaxdaa nin norwiiji ah.  2002 ayay Norway magangalyo soo weydiisatay, iyada oo sheegtay inay kasoo jeedo Soomaaliya. Laakiin baaritaan kadib ayaa la ogaaday in hooyadan ay asal ahaan kasoo jeedo dalka Jabuuti.

[adsenseyu1]Xisbiyada KRF iyo SV ayaa dowlada u diray soo jeedin ay dowlada kaga codsanayaan in wado cusub loo furo kiisaska la xiriira dib u celinta dadka ka been sheegay aqoonsigooda shaqsiyeed iyo meesha ay kasoo jeedaan. Xisbiyadan ayaa bishii Febraury dowlada u diray soo jeedintan ku saleynsan, in tarxiilis aysan noqon wadada kali ah ee loola tacaamulo dadka aan run ka sheegin aqoonsigooda shaqsiyeed.

UNE, UDI iyo Maxkamada ayaa isku raacay in Yaasmiin laga tarxiilo Norway, isla markaana aysan wadanka soo gali karin mudo labo sano ah. Labo sano dadib ayey sheegeen iney u furantahay inay dib ugu soo noqoto Norway, ayna la midowdo qoyskeeda.

Karin Andersen oo ah xildhibaan katirsan xisbiga SV ayaa sheegtay ineysan wax waaqici ah aheyn in Yaasmiin laga tarxiilo Norway, lagana fogeeyo caruurteeda afarta ah. Waxeyna sheegtay in go´aankaas uu ahaa mid aan il gaar ah lagu eegin xaalada caruurta ay dhashay, isla markaana aysan sax aheyn in caruurtaas ay hooyo la´aan ahaadaan sanado dhowr ah.

Andersen ayaa sheegtay in hadii uu qofku galo danbi, loo ciqaabo si kale,balse aan wadanka laga tarxiilin ama aan laga qaadin dhalashada wadanka. Balse waxey sheegtay in kiisaska la xiriira passportka, qofka si toos ah looga tarxiilo Norway, iyada oo aan loo fiirineyn dhamaan xaaladaha kale ee noloshiisa dalkan.

Høyre ayaa dhankiisa qaba in nidaamka siyaasada soo galootiga Norway uu shaqeynayo sidii loo baahnaa, isla markaana aan loo baahneyn wax isbadal ah. Ingunn Foss oo ah xildhibaan katirsan Høyre ayaa sheegtay in nidaamka magangalyada Norway uu magangalyo siiyo qofkii u baahan, kii aan u baahneyna uusan helin.

Baarlamaanka Norway ayaa soo jeedinta xisbiyadaas ka hadli doono marka laga soo noqdo fasaxa sommerka.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments