(Video): Dukaanka adeega Sweden ee Tasteland: Dukaan soomaaliyeed oo 100% xalaal ah

0
234

Dhamaadka isbuuca nagu soo aadan, waxaa bilaaban doono bishii barakeysneyd ee Ramadaan, iyada oo bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwa,y ay bilaabeen u diyaar-garowga iyo u adeegashadada bisha Ramadaan(Daawo muuqaalka Hoose).

Dukaanka Soomaaliyeed ee Tasteland:

Tasteland waa dukaan uu leeyahay ganacsade soomaali ah, kuna yaalo xuduudka laga soo adeegto ee Svinesund. Waana dukaanka kali ah ee soomaaliyeed ee laga soo adeegto, oo ay milkiyadiisu soomaali leedahay. (Daawo muuqaalka hoose)

NorSom News ayaa dhamaadkii isbuucii hore, booqasho ku tagtay dukaanka Tasteland, anaga oo halkaas kula kulanay boqolaal soomaali ah oo ka kala yimid dhamaan daafaha Norway, kuna kulmay Tasteland si ay uga adeegtaan adeega maalinlaha ah iyo cuntooyinka ay soomaalidu gaarka u leedahay.( Daawo muuqaalka hoose)

Xiliga aan booqashada ku tagnay Tasteland, waxaa dukaanka ka jiray saxmad aad u balaaran, maadaama ay isugu imaadeen boqolaal qof oo soomaali ah oo wada adeeg doon ah. (Daawo Muuqaalka Hoose).

Waxaa nala soo diray bussas:

Qaar kamid ah soomaalida aan Tasteland kula kulanay ayaa qaarkood waxey ka imaadeen magaalooyin boqolaal Kiilo-miter u jirto xuduudka Svinesund sida Kristiansand, Bergen, Ålesund, Haugesund, Lillehamar, Hamar,Fjøra iyo Sogndal.

Waxeyna dadkan soomaaliyeed noo sheegeen in dukaanka Tasteland uu magaalooyinkooda ugu soo diray bussas, kadib markii ay is uruursadeen, codsina u dirsadeen dukaanka. Iyaga oo raaciyay in arintaas ay tahay mid aad ugu mahad-naqayaan, maadaama loo fududeeyay helistooda hilib xalaal ah oo soomaali ay iibiso. (Daawo Muuqaalka Hoose). 

Tasteland: Hilib xalaal ah oo aan hubno meesha uu ka yimid.

Milkiilaha soomaaliga ah ee dukaanka Tasteland iyo shaqaalaha dukaanka ayaa sidoo kale noo sheegay in hilibka ay gadaan iyo dhamaan badeecooyinka kaleba ay yihiin kuwo xalaal ah, lana hubo meesha ay ka imaadeen. Iyaga oo raaciyay inay shahaado iyo leysin ka heystaan dhamaan xarumaha islaamiga ah ee bixiya leysinada hubinta xalaalnimada hilibka. (Daawo muuqaalka Hoose)

Maamulka Tasteland ayaa sidoo kale sheegay inay macaamiisha soomaalida ah u sameyn doonaan qiimo-dhimis ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan. Qiimo-dhimistaas oo socon doonto inta lagu jiro bisha Ramadaan oo dhan.

Sidoo kale waxey noo xaqiijiyeen in hadii ay jiraan dad soomaaliyeed oo kunool deegaan ka fog dukaanka, ay usoo diri doonaan busas iyo gaadiid soo qaada, hadii ay isku uruursadaan koox. (Daawo muuqaalka Hoose)

Hadii aad kamid tahay macaamiisha Tasteland ee Oslo, busaska aada dukaanka Tasteland waa kuwa cadaanka ah(Fiiri sawirka kore/daawo muuqaalka Hoose)

Kala xiriir:

98484666: Hadii aad rabto inaad boos ka qabsato busska subixii baxa. 

46801339: Hadii aad tihiin/kamid tahay koox rabto in loo soo diro buss.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments