Abdisalaam Cadaay oo wajihi doono xidagaha Man united

0
141

Kooxda kubada cagta horyaalka ingiriiska ee Manchester United ayaa xagaagan socdaal ciyaareed kusoo gaari doonto magaalada Oslo, iyaga oo ciyaar saaxiibtinimo la ciyaari doono kooxda Vålerenga ee ka dhisan magaalada Oslo. 

Vålerenga waxaa u ciyaaro laacibka kubada cagta soomaaliga ah ee Abdisalaam Ibrahim Cadaay, waxeyna isaga iyo kooxdiisu ay martigalin marti-galin doonaan xidigaha kubada cagta Man utd.

Cadaay ayaa sidoo kale xagaagii hore kahor yimid kooxda Arsenal, isaga oo markaas u ciyaari jiray kooxda Viking oo uu xili ciyaareedkan kasoo wareegay. Halkan ka akhri warkaas. 

Macalinka kooxda Vålerenga Ronny Deila ayaa maanta sheegay inay u babac dhigi karaan Man UTD, hadafkooduna uu noqon doono inay ka badiyaan. Deila ayaa raaciyay inuu soo xulan doono laacibiintiisa ugu wanaagsan kooxda. Laacibiinta booska joogtada ah ka heysto Vålerenga, waxaa kamid ah Ibrahim Cadaay. 

Ciyaarta Vålerenga iyo Manchester United ayaa dhici doonto 31-da bisha Juli. 

Xigasho/Kilde: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments