lørdag, april 20, 2024

War deg-deg ah: NRK/AP: Wasiir katirsan xukuumada Xasan Cali Kheyre oo caawa Muqdisho lagu dilay

Sida ay qorayaan wakaalada wararka Ap iyo tv-ga qaranka dalkan Norway ee NRK, waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay wasiir katirsanaa xukuumada cusub ee reysulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka caawa la dilay ayaa ahaa Cabaas Cabdullaahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska. Waxaana dilkiisa ka danbeeyay askar katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya, sida ay qoreyso wakaalada wararka Ap.

[adsenseyu2]

Warbaahinta qaarkeed ayaa qoreyso in ilaalada hanti-dhawraha guud ee qaranka, Dr. Nuur Jimcaale ay ahaayeen kuwii rasaasta huwiyay gaariga wasiirka geeriyooday ee Cabaas Cabdullahi Siraaj.

Falka dilka wasiirka ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta madaxtooyada. Ap ayaa sidoo kale qoreyso in wasiir kale oo katirsan xukuumada Soomaaliya oo ka bad-baaday weerarkaas.

Xigasho/kilde: NRK, AP

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x