tirsdag, april 16, 2024

Sweden: Koontaroolka aqoonsi oo laga joojiyey dadka isaga gudba Denmark iyo Sweden

Dawlada Sweden ayaa shaley ku dhawaaqdey inay joojin doonto koontaroolka aqoonsiyada shaqsiga, ee horey loo weydiin jirey dadka isaga gudba xuduudka Denmark iyo Sweden.

Sweden ayaa dadka Denmark ka imaada weydiin jirtay waraaqahooda aqoonsi, marka ay soo raacayaan basaska, tareenada iyo doomaha u kala goosha dalalka Sweden iyo Denmark.

[adsenseyu2]

Dawladda Sweden ayaa koontaroolka aqoonsiyada, waxay ku soo rogtey dadka safar ahaan uga imaanaya dalka Denmarka bishii november sanadkii 2015-kii, ka dib markii ay Sweden soo galeen dad qaxooti ah oo badan, kuwaas oo ka soo talaabey dalka Denmark.

Koontaroolkaas lagu hayey aqoonsiyada ayaa waxaa xilayadii ugu danbeeyay aad cabanayey dadka u kala goosha magaalooyinka dariska ah ee Malmö iyo Köpanhamn.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige.Se

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x