fredag, april 19, 2024

Abdisalam V.S Arsenal: Viking oo marti galin doonta Arsenal iyo cadaay oo kahor iman doono xidagaha Gunners.

Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa ciyaar saaxiibtinimo la ciyaari doonto maalinta berito ah kooxda Viking oo ka dhisan magaalada Stavanger ee wadankan Norwey. Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo ciyaareed saaxiibtinimo ah oo xagaagan ay kooxda gunners ku mari doonto wadamada scandinavianka. waxayna ciyaartan dhici doontaa maalinta jimcaha ah ee barito(5-8-2016) saacada 20:30.

[adsenseyu1]

Kulankan ayaa xiiso gaar ah u lahaan doono taageerayaasha kubada cagta soomaaliyeed, maadaama kooxda Viking uu u ciyaaro Abdisalaam Abdulqadir Ibrahim(Cadaay) oo ah ciyaaryahan soomaali norwiiji ah. Cadaay oo ah halbowlaha khadka dhexe ee kooxda viking ayaa wajihi doono xidigo caan ka ah kubada cagta sida M. Ozil, Theo Walcot, Jack wilshere, Aron Ramsey, Alexis Sánchez  iyo Alex Chamberlain. Waana markii ugu horeysay ee taariikhda ciyaaryahan kubada cagta oo soomaali ah uu kasoo horjeesto kooxda Arsenal.

Abdisalaam oo bishii january ee sanadkan kusoo biiray kooxda Viking ayaa si toos uga mid noqday line-upka joogtada ah ee kooxdan, isaga oo saftay dhamaan kulamadii ay kooxdu ciyaartay inta uu la joogay. Waxayna u badantahay in kulankan kooxda Arsenalna uu safan doono. Abdisalaam ayaa mudadii uu Viking joogay noqday M.Ozilka horyaalka heerka koowaad, maadaama uu hogaaminayo goolbixinta(goal-assist) horyaalka eliteserien ee Norwey

Warbaahinta NorSom News oo xiriirtay Abdisalaam Cadaay ayaa noo sheegay in isaga iyo kooxdiisaba ay diyaar u yihiin la kulanka xidigaha kooxda Arsenal, ayna ku rajo weynyihiin in ay ka badiyaan. Cadaay ayaa sidoo kale noo sheegay in xidigaha Arsenal qaarkood hada u ciyaaro, sida Jack Wilshere uu horey uga soo horjeestay waagii uu u ciyaari jiray dhalinyarada kooxda Man.City.

Kooxda Arsenal ayaa kulanka Viking usii gudbi doonto wadanka Sweden halkaas oo ay kula kulmi doonaa ciyaar saaxiibtinimo kooxda Man.city. 

Halkan ayaad ciyaarta si live ah uga daawan kartaa: Viking vs Arsenal Live(5-aug- 20:30) 

Ama TV 2  Zebra hadii aad Norway joogto.

[adsenseyu1]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x