fredag, april 19, 2024

Casuumaad: Mashruuca soo saarista biyaha gunta hoose ee Soomaaliya & doorka qurbo-joogta.

Dhamaan soomaalida ku dhaqan Oslo iyo naxaawigeeda, iyo guud ahaanba Norway, waxaa lagu wargalinayaa kulan lagu soo bandhigayo mashruuc ceelal biyood gunta hoose ah looga qodayo Soomaaliya.

Waxaana qaban-qaabiyeyaasha kulanka oo kala ah Somali Norwegian Strategic Partners(SNSP) iyo Ruden AS soomaalida Norway ku casuumayaan kulankan oo ujeedkiisu yahay helitaanka xogta dhameystiran ee mashruucan, suurtogalnimadiisa, qaabka loo fulinayo, ujeedadda iyo hey’ addaha ka shaqeynayo, meelaha laga fulinayo ee Soomaaliya gudaheeda ah, iyo sidoo kale doorka aad ka ciyaari karo ka muwaadin soomaali ah oo qurbojoog ah ahaan.

Dhulalka ay bulshada Soomaaliyeed degto waxaa sanadihii ugu danbeeyay kusoo noq-noqonayay abaaro xoogan oo mar walba si ba’an u saameeyo nolosha dadka iyo duunyada kunool Soomaaliya. Biyo yaraan xoogan iyo da’ itaanka roobka oo aan lagu xisaabtimi karin awgiis, waxey Soomaaliya noqotay mid daris la ah hubinti la’ aanta biyaha oo ah isha furaha nolosha dadka iyo duunyadaba.

Dhanka kale baaritaano dhulka ah oo la sameeyay, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay leedahay biyo ku filan oo ku jira gunta hoose ee dhulka Soomaaliya, kuwaas oo hadii lasoo saaro, lagana faa’ iideysto wax weyn ka tari kara baahida biyood ee dadka iyo duunyada Soomaaliyeed. Biyaha ku jira gunta hoose ee dhulka Soomaalida ayaa ah biyo kasoo rogmado dhulalka sarre togan ee Soomaaliya ka xiga Galbeedka, waxeyna isku soo biyo-shubtaan gunta hoose ee dhulka Soomaaliya, gaar ahaan goboladda qaarkood.

Shirkada Ruden AS oo ah shirkad farsamo oo laga leeyahay dalkan Norway, ayaa sanadkii 2007 ku guuleysatay mashruuc biyo-qodis gunta hoose ee dhulka ah, kaas oo laga hirgaliyay dalka Tanzania, laguna qoday ceelal biyoodyo waaweyn oo qaarkood dhulka hoostiisa la qoday wax gaaraya haaf-kiiloo-mitir. Mashruuc biyeedkaas laga fuliyay Tanzania ayaa awood u leh in looga faa’ iideyo ilaa 2 milyan oo qof oo kunool deegaanadda laga fuliyay.

Isla Shirkada Ruden AS ayaa iyada laga faa’ iideysanayo aqoonta farsamo, baaritaanadda la sameeyay iyo khibradda laga dhexlay qoditaanka biyaha gunta hoose ee dhulka, hada wado wajiga koowaad ee baaritaanka mashruuc lagu ogaanayo suurtogalnimada qoditaanka iyo soo saaritaanka biyaha gunta hoose ee Soomaaliya. Waxaaana qorshuhu yahay in la qodo dhowr ceelal biyood ay laga sameeyo deegaanadda kala duwan ee Soomaaliya, kaas oo hadii lagu guuleysto ay ka faa’ iideysan karaan boqolaal kun oo soomaali ah oo baahi weyn u qabo helitaanka biyo nadiif ah oo la cabi karo.

Mashruucan waxaa maalgaliyay wasaaradda arrimaha dibadda Norway ( DU), waxaana shirkadda Norway Ruden AS kala shaqeynayo dowlada Soomaaliya iyo hey’ adda FOA ee qaramadda midoobay.

Macluumaadka kulanka:

Taariikhda: 25-08-2022

Saacada: 17:30-19:00.

Goobta uu ka dhacayo: Interkulturelt Museum( Matxafka Grønland ee kasoo horjeedo maqaaxida Grønland Max Burger).

Wixii faah-faahin ama su aal ah kala xiriir: 46809007

SNSP: Mudane iyo Marwo, waxaan kugu casuumeynaa kulanka bandhiga mashruucan oo hada marayo wajiga koowaad, waxaadna kulankan kusoo bandhigeynaa xogta mashruucan balaaran, doorka iyo fursaddaha uga banaan qurbo-joogta. Sidoo kale qeybaha danbe ee mashruucan oo hada ka gudbi raba wareegaa koowaad ee sahminta.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x