torsdag, mai 2, 2024

Xisbiga Høyre iyo Frp oo guul kasoo hoyay doorashada iskuuladda ee hordhaca ah.

Ardeyda dhigata ku dhawaad 400 iskuul oo kuyaal dalkan Norway ayaa Talaadadii shaley aheyd u codeeyay xisbiga ay jeclaan lahaayeen inuu maamulo goleyaasha deegaanka Norway. Xisbiyada Høyre iyo Frp ayaa guul weyn oo aan horey loo saadaalineyn kasoo hoyay doorashada iskuuladda ee sida hordhaca ah codkooda u dhiibtaan dhalinyarada iyo ardeyda.

Xisbiga Høyre oo helay codadka ugu badan ee ardeyda ayaa helay 21,9 %, halka xisbiga Frp oo ku xiga uu helay 19,5%. Xisbiga Ap oo ku guuleystay doorashadii hore ayaa dooorashadan ka helay 17%.

Doorashada iskuuladda oo sida caadiga ah la qabto isbuuc kahor doorashada goleyaasha deegaanka, ayaa inta badan noqoto jaantus looga cabir-qaato dareenka dadweynaha, laguna saadaalin karo cida ku guuleysan doonto doorashada weyn ee golaha deegaanka. Waxa ay inta badan saadaalishaa halka uu u socdo guuxa dadweynaha.

Isniinta soo socoto ee 11-ka bisha September waxaa guud ahaan dalkan Norway loo dareeri doonaa goobaha codbixinta, iyada oo la dooran doono goleyaasha deegaanka ee Norway maamuli doono afarta sano ee soo socdo.

Xigasho/kilde: Klart borgerlig flertall i skolevalget.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x