Booliska oo ka digayo burcad booliska iska dhigeyso.

0
208
Call senter

Booliska Norway ayaa sheegay inay soo gaareen fariimo ka imaanayo dad ku sugan daafaha dalkan Norway, kuwaas oo sheegaya inay soo waceen dadka iska dhigayo inay ka socdaan booliska Norway, weydiinaya macluumaadkooda shaqsiyeed.

Dadka booliska lasoo xiriiray ayaa sheegay in numberka laga soo wacay uu ahaa midka booliska Norway, uuna qofka soo wacay uu u sheegay inuu ka socdo booliska Norway. Isaga oo dadka uu wacay ku wargaliyay in magaca qofkaas lagu qaatay deyn, uuna ka socdo booliska, ay arrintaas u xaqiijiyaan ama uga daba tagaan.

Knut Håkon Skofsrud oo katirsan booliska Norway, qeybtiisa koonfur bari ayaa sheegay in qofkaas booliska iska dhigaya, ee dadka telefoonada ku wacay uusan aheyn qof boolis ah. Balse uu yahay qof burcad ah oo magaca booliska ku adeeganaya, rabana inuu helo macluumaadka shaqsiyaadka uu la xiriiray.

Knut ayaa sheegay in kooxaha burcadda ah ay mararka qaarkood awood u leeyihiin inay badalaan/khiyaameeyaan khadka (line-ka) telefoonka ay dadka ka wacayaan, ayna qofka la wacay u tusaan in numberka soo wacay uu yahay kan booliska. Wuxuuna sheegay in marka uu qofka la wacay usoo dhacay telefoonka kooxahaas burcadda ah, ay shaashada telefoonka kusoo qormayo number e eg kan ay edeegsadaan booliska Norway.

Sarkaalkan booliska ah ayaa sheegay in tuhunka boolisku ay qabaan uu yahay in qofkaas dadka wacay, ee isaga dhigay inuu ka socdo booliska Norway, uu rabo in magacyada iyo macluumaadka shaqsiyeed ee dadka uu wacay uu qaab khyiyaano ah ugu qaato lacag deyn ah, isaga oo adeegsanayo macluumaadka uu qofku siiyay. Wuxuuna dadka ugu baaqay inay arrintaas ka feejignaadaan.

Booliska ayaa dadka ugu baaqaya inaysan dhiibin macluumaadkooda shaqsiga ah, hadii ay arrintan oo kale la kulmaan. Wuxuuna sheegay in boolisku ay inta badan heystaan macluumaadka muhiimka ah ee qofka ay la xiriiriyaan, aysana jirin sabab ay macluumaadkiisa shaqsiyeed ugu weydiiyaan khadka telefoonka.

Xigasho/kilde: SVINDLER GIR SEG UT FOR Å VÆRE POLITIET: – BER FOLK OM PERSONOPPLYSNINGER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments