lørdag, april 27, 2024

Kalkaalisooyinka caafimaad oo sharci loo siiyay bixinta kaniinka uurka ka hortaga ee gabdhaha.

Laga bilaabo kowdii bishan(1) January(1) ee sanadkan 2022, waxaa dalkan Norway ka dhaqangalay sharci cusub oo kalkaalisooyinka caafimaad iyo umulisooyinka awood sharciyeed u siinaya inay gabdhaha ka yar 16-ka sano ay u qori karaan ama bixin karaan warqada daawada ee lagu iibsado kaniinka ka hortaga dhalmada( P-piller).

Horey waxaa kaniinkaas qori karay ama reseptigiisa bixin karay qof dhakhtar ah oo kali ah. Balse hada waxaa sidoo kale kaniinkgaas gabdhaha ka yar-yar 16-ka sano u qori karo kalkaalisooyinka caafimaad iyo umulisooyinka.

Talaabadda lagu ansixiyay sharcigan, ayaa kamid ah dadaalka ay dowladu ugu jirto in la dhimo tiradda ilmaha lasoo tuuro/xaaqo, kadib markii ay uurka galaan(aborter).

Xigasho/kilde: P-piller hos helsesykepleier.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x