søndag, april 28, 2024

Sweden oo xuduuda Norway kasoo celisay 1500 qof hal isbuuc gudahiis.

Dowlada Sweden ayaa 28-ka bishii na dhaaftay ee Desember soo rogtay xeer lagu xakumeynayo faafitaanka xanuuna corona, kaas oo qof walba oo dalkaas oo galayo oo waajib uga dhigayo inay wataan jawaabta baaritaanka corona oo muujinayoso in qofkaas uusan qabin xanuunka corona. Baaritaankaas ayaa ay Sweden shardi ka dhigtay in la qaaday ugu badnaan 48 saac kahor xiliga uu qofku dalkaas soo galayo.

Sharcigan cusub oo waajib ka dhigaya in ajaaniibta rabta galitaanka Sweden ay wataan baaritaanka corona ( Talaal iyo talaal la+ aanba) ayaa sababay in dowlada Sweden ay isbuucii lasoo dhaafay xuduudka ay la wadaagto dalkan Norway ay kasoo celiso 1500 qof oo siyaabo kala duwan oo sharciga cusub la xiriira awgood loogu diiday inay galaan gudaha Sweden. Labadii maalmood oo lasoo dhaafay oo kali ah, Sweden ayaa xuduudka Norway kasoo celisay 900 qof oo rabay inay galaan gudaha dalkaas.

TV-ga qaranka Norway ee NRK ayaa qoray in dadka ugu badan ee laga soo celiyay xuduudka Sweden ay yihiin dadka qaatay talaalka Korona, balse aan wadin baaritaan sax ah oo shaqeynaya.

Sida ay qortay wakaalada wararka Norway ee NTB, 20% kamid ah 1500 qof ee laga soo celiyay xuduudka ay Norway la wadaagto Sweden, ayaa ah dad Norwiiji ah. Waxeyna dadka loo diiday galitaanka Sweden u badanyihiin dad u dhashay dalalk Denmark, Germany iyo dalxiisayaal kale kuwaas oo fasax u joogay Norway, rabana inay dalalkoodii ku noqdaan, iyaga oo sii dhex-maraya Sweden.

Xigasho/kilde: 1500 bortvist på svenskegrensa på én uke.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x