Solberg: Waxaan ka cabsi qabaa qoxooti badan oo dalkan nooga imaada

0
146
Reysulwasaare Erna Solberg. Foto: Torbjørn Kjosvold/SMK

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto in qoxooti badan oo magangalyo doon ah ay Norway iyo Yurub uga imaadaan dalka Afgaanistaan oo xaaladiisa laga soo deyrinayo.

Solberg ayaa sheegtya inay arrintaas ay tahay arrin wadato xaalad cusub oo wel-wel leh, una baahan in laga sii tabaabusheysto.

Dhawaan ayay aheyd markii xoogaga Nato ay isaga baxeen dalka Afgaanistaan oo labaatankii(20) sano ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen. Waxaana gobolo iyo deegaamo badan oo dalka Afgaanistaan katirsan la wareegay ururka Taalibaan ee dagaalka kula jiray ciidamada dalalka reer Galbeedka. Waxeyna arrintaas keentay in qoxooti badan oo reer Afgaanistaan ah ay ku qaxaan dalalka dalkaas dariska la ah.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegtay in jaaliyad badan oo reer Afgaanistaan ah ay kunoolnihiin Norway iyo dalalka kale ee Yurub, arrintaasna ay keensaneyso in qoxooti badan oo reer Afgaanistaan ay usoo jiheystaan dalalka Yurub, si ay nabadgalyo ugu helaan dalalka ay ku noolyihiin qaraabadooda iyo saaxiibadii ay yaqaaneen.

Solberg ayaa sheegtay ineysan qiyaasi karin tirada qoxootiga reer Afgaanistaan ee Norway soo gaari kara, balse waxey sheegtay in hadii ay Norway imaadaan ay codsiyadooda magangalyada ka shaqeyn doonaan hey´addaha qoxootiga.

Norway ayaa horey magangalyo u siisay, dalkeedana usoo qaaday turjubaanadii iyo shaqaalihii kale ee u shaqeyn jiray ciidanka Norway ee dalka Afgaanistaan ku sugnaa. Halkan kasii akhri

Xigasho/kilde: Tror flere flyktninger fra Afghanistan vil komme til Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments