Sp: Goboladan la isku daray, ayaan rabnaa inaan sidii hore ku celino.

0
99
Trygve Slagsvold Vedum Gudoomiyaha xisbiga Sp foto: Facebook/Trygve Slagsvold Vedum

Dowlada Norway ayaa sanadkii 2018 isku dartay gobolo kamid ah goboladii 19-ka ahaa ee Norway, waxeyna kusoo koobtay 11 gobol. Waxaana tan iyo xiligaas socday dood xoogan oo ku aadan goboladaas la isku daray, taas oo uu xoogeedu waday xisbiga Sp oo kamid ah xisbiyada mucaaradka ee garabka bidix ee siyaasada Norway.

Xisbiga Sp oo ah xisbi inta badan u hadla danaha dadka beeraleyda iyo xoolo-dhaqadata ah ee kunool gobolada iyo deegaanada ka fog magaalooyinka waaweyn, ayaa sheegay in hadii ay ku guuleysteen doorashadan ay rabaan inay sidii hore dib ugu celiyaan gobolada hada la isku yiraahdo Viken oo horey uga koobnaan jiray gobolada Østfold, Akershus og Buskerud.

Gudoomiyaha xisbiga Sp ayaa sheegay in gobolada la isku daray ee halka gobol laga dhigay aysan wax faa´iido ah usoo kordhin dadka kunool goboladaas, taas badalkeedana ay u horseedeen culeysyo cusub.

Xisbiga Ap oo taxaalufka la ah xisbiga Ap ayaa dhankooda sheegay ineysan arrintaas ku qanacsaneyn, waxaana muuqato in arrinta kala goynta goboladu ay tahay mid ay ku kala aragti duwanyihiin xisbiyada bidixda ee loo badaniyo inay ku guuleysan doonaan doorashada Norway.

Xigasho/kilde: Sp og Ap uenige om Vikens framtid

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments