Norway oo sharci magangalyo siisay shaqaale reer Afgaanistaan ah iyo qoysaskooda.

0
109
Wasiirka difaaca Norway Fran Bakke-Jensen. Foto: Ole-Sverre Haugli, Forsvaret.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay dowlada Norway, waxaa 27-ka bishii Juni ee lasoo dhaafay dalkan Norway kasoo dagay 47 qof oo isugu jiro shaqaale reer Afgaanistaan ah oo ka shaqeyn jiray safaaradda Norway ee Afgaanistaan iyo saldhigyada ciidanka Norway ay dalkaas ku lahaayeen.

Norway ayaan soo qaadin shaqaalaha iyo turjubaanada oo kali ah, ee waxaa sidoo kale lasoo raaciyay xubnaha qoysaskooda oo laftirkooda la sheegay in nafsadooda ay halis kali karto, loona beegsan karo shaqada ay xubnaha qoyskoodu u hayeen dowlada Norway.

Arrintan ayaa daba socoto markii ciidamada Norway oo katirsan kuwa Gaashaanbuurta Nato ay 20 sano kadib isaga baxeen dalka Afgaanistaan. Waxeyna dowlada Norway sheegtay inay magangalyo siineyso siineyso, Norweyna dib u dajin looga sameynayo shaqaalaha safaarada Norway ee Afgaanistaan iyo turjubaanada la socday ciidanka Norway. Halkan kasii akhri.

Wasiirka difaaca Norway Frank Bakke-Jensen ayaa sheegay in dowlada Norway ay ilaalineyso turjubaanada iyo shaqaalaha maxaliga ah(lookal) ee u shaqeynayay ciidanka Norway ee dalka Afgaanistaan ku sugnaa, kuwaas oo naftooda ay halis u gali karto shaqada ay dowlada Norway u qabteen.

Xigasho/Aftenposten

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments