shahaadada corona oo walaalkii leeyahay ayuu rabay inuu kusoo galo: 20.000 kr oo ganaax ah

0
81
Foto: Politiet

Booliska gobolka Troms ayaa bartooda twitterka kusoo qoray inay qabteen nin dhalasho ahaan ajnabi ah, da´ahaan 60-meeyo jir ah, kaas oo lagu qabtay dokumenti faaliso ah oo muujinaya shahaadada talaalka caabuqa corona.

Ninkan ayaa sida ay boolisku sheegeen markii la weydiiyay su´aalo la xiriira corona sheegay inuu dhameystirtay talaalka corona, wuxuuna ilaalada xuduudaha tusiyay shahaadada corona oo digital ah oo muujineyso qof talaalkii corona wada qaatay labada irbadba. Laakiin markii si fiican loo sii fiiriyay, waxaa soo baxday in shahaadada uu ninkaas watay ay aheyd mid uu leeyahay walaalkiis, uuna isagu ku watay qaab sharci daro ah ama faaliso ah.

Booliska ayaa markii danbeysay sheegay in ninkaas lagu xukumay ganaax gaaraya 20.000 kr oo lacagta Norway ah.

Xigasho/kilde: MANN PRØVDE Å KRYSSE GRENSEN MED FALSKT CORONAPASS – ANMELDES.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments