FHI: Wali nooma muuqato sabab irbad 3-aad oo talaalka Corona ah loo bilaabo

0
127

Dalal badan oo caalamka ah ayaa bilaabay inay dadweynaha siiyaan irbada sadexaad(3) oo corona ah, si dadku ay difaac xoogan ugu yeeshaan noocyada cusub ee feyruska corona.

Dalalka Germany, Faransuuska Iyo dalka Sweden ee Norway dariska la ah ayaa goor horeba sii diyaariyay qorshe irbad sadexaad(3) oo talaalka corona ah lagu siinayo dad waayeelka ah ee difaaca jirkoodu uu dabcay ama uu jilcay.

FHI: Wali sabab aan u bilowno ma aragno

Hey´adda caafimaadka dadweynaha u qaabilsan dowlada Norway ayaa sheegtay in ilaa hada aysan hey´addu arkin sabab talaalka sadexaad ee corona looga bilaabo Norway.

Geir Bukholm oo agaasime ka ah hey´adda qeybta cudurada faafa ee FHI ayaa sheegay inay dhihi karto in dadka uu difaaca jirkooda hooseeyo loo soo bandhigo irbada sadexaad oo talaalka corona ah, balse aysan ilaa hada muuqan baahi keeneyso in dadweynaha guud ee caadiga ah loo soo bandhigi irbada sadexaad ee talaalka corona.

FHI: Ikke grunnlag for å rulle ut tredje dose nå

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments