3,5 milyan qof Norwiiji ah ayaa isbuucan helay kaarka codbixinta doorashada oo digital ah

0
54

13-ka bisha September, waxaa dalka Norway ka dhici doonto doorashada baarlamaanka Norway. Iyada oo 10-ka bishan August la furi doono xarumaha doorashada oo qofkii raba inuu codkiisa sii dhiibto uu ka codeyn karo.

Isbuucan waxaa kaarka codbixinta doorashada oo digital ah helay 3,5 milyan qof oo Norwiiji ah kuwaas oo xaq u leh ama buuxiyay shuruudihii looga baahnaa qofka ka codeyn kara doorashada Norway. Waana markii ugu horeysay oo dadka Norway kunool, ay si digital ah ku heleen kaararka codbixinta doorashada oo xiliyadii hore dadka loogu diri jiray boostada.

Qofka buuxiyay shuruudaha ka qeybqaadashada doorashada baarlamaanka Norway ee helay kaarka codbixinta ee digitalka ah, ayaan u baahneyn inuu soo daabaco(bixiyo) kaarka codbixinta, wuxuuna si toos ah uga adeegsan karaa moobilkiisa.

Bjørn Berg oo katirsan hey´adda doorashooyinka Norway ayaa sheegay in waxa kali ah ee qofka kaarka codbixinta ee digitalka ah helay uu baahanyahay, ay tahay inuu soo qaato kaar aqoonsi oo uu ku qoranyahay magaciisa, sawirkiisa iyo taariikhdiisa dhalashada, si uu u codeeyo.

Degmooyinka qaar ayaa sidoo kale sheegay in qofkii ka cabsanaya inuu qaado feyruska Covid-19 uu maalinta doorashada codkiisa dhiiban karo isaga oo saaran gudaha baabuurkiisa. Sidoo kale qofkii kujiro karantiil ayaa codkiisa ka dhiiban karo gurigiisa, waxaana u imaan karo shaqaale katirsan degmooyinka oo kaarka codbixinta ka qaadi doono.

Si aad u fiiriso kaarka codbixinta waxaad ka fiirisaa baraha Digipost(link), e-boks, ama altinn

Xigasho/kilde: Valg.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments