Høyre, Krf iyo Venstre oo dib isaga celiyay 750.000 kr oo qaab qarsoon kuso gashay.

0
127

Xisbiyada dowlada ee Høyre, Krf iyo Venstre ayaa qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ku sheegay inay dib u celiyeen lacag gaareyso 750.000 kr, taas oo ay xisbiyadaas ugu deeqeen urur is qariyay oo baraha bulshada olole lacag uruurin ah ka sameeyay.

Guruubkan ayaa isku dar xisbiyada midigta siyaasadda Norway ugu deeqay hal milyan oo kr oo ololaha doorashada loogu talagalay. Waxeysa diideen inay sheegeen meesha ay lacagtaas ka keeneen iyo cida ay kasoo qaadeen.

Sadexda xisbi ee kala ah Krf, Frp iyo Høyre ayaa hada go´aansaday inay celiyaan 750.000 kr, maadaama asida ay xisbiyadaas qoraal ah wadajir ah ku sheegeen aan la xaqiijin meesha lacagtaas ay asal ahaan ka timid.

Xisbiga Frp oo isna helay lacagta qeyb kamid ah, ayaan wali gaarin go´aan ku saabsan waxa ay ka yeelayaan lacagtaas loogu deeqay.

Xigasho/kilde: Borgerlige partier tilbakebetaler støtte fra hemmelige givere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments