Oslo: Karantiilkii hotellka ayuu ka baxsaday: 75 qof ayuu Corona qaadsiiyay= 30.000 kr ganaax ah

0
150

Booliska Koonfur-bari dalkan Norway ayaa ganaax lacageed oo gaaraya 30.000 kr saaray nin 19 sano jir ah, kaas oo ku eedeysan inuu ka baxsaday hotelkii lagu galiyay karantiilka safarka ee corona, kadibna uu sabab u noqday in 75 qof oo kale ay qaadaan feyruska Corona.

Muuqaal-baahiyaha TV2 ayaa qoray in ninkaas uu ka baxsaday hotel kamid ah kuwa dadka safarka kasoo noqday lagu galiyay karantiilka, kadibna uu qaatay tareenka. Uuna u socdaalay degmo kutaal gobolka Østvold.

Kadib markii uu ka baxsaday hotelka, isaga oo aan dhameysan mudadii karantiilka, ayaa waxaa hadana laga helay Corona. Baaritaan kadib boolisku, waxey cadeeyeen in ninkaas uu xanuunka corona ay dartiis u qaadeen ilaa 75 qof oo kale.

Ninkan ayaa diiday inuu aqbalo ganaaxa ay boolisku saareen, wuxuuna hada kiiskiisu ugudbay maxkamada oo dacwadiisa qaadi doonto 2-da bishan September.

Xigasho/kilde: Mann (19) stakk av fra karantenehotell – smittet 75 personer

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments