Germany: Nin soomaali ah oo mindi ku dhaawacay xaaskiisa, sodohdiis iyo dad kale oo daris la ah.

0
318

Sida ay qoreen warbaahinta dalka Germany, nin soomaali ah oo 39 sano jir ah ayaa xalay mindi ku dhaawacay xaaskiisa, sodohdiis iyo labi qof oo kale oo daris la ah. Falkan ayaa ka dhacay koonfurta gobolka Hessen ee dalka Germany.

Ninkan oo ka baxsaday goobta uu falka ka dhacay, ayay boolisku isku dayeen inay magaalada Groß-Gerau ee isla gobolka Hessen, waxeyna ku fureen xabado sababay dhaawac uu markii danbe isbitaalka ugu geeriyooday.

Booliska ayaa hada wado baaritaan la xiriira dhacdadan uu ninkan soomaaliga ah ku weeraray xubnaha katirsan qoyskiisa iyo waxa ku sababay arrintaas. Waxaana sidoo kale baaritaan lagu wadaa meydka ninka oo ay boolisku dhaawaceen, kahor inta uusan dhiman.

Dalka Germany oo soomaali aad u badan ay soo galeen sanooyinkii ugu danbeeyay, ayaa waxaa aad ugu soo badanayo danbiyada dilka iyo dhaawaca la xiriira oo ay isku geysanayaan soomaalida kunool Germany.

Xigasho/kilde: Somalis in Deutschland

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments