lørdag, april 20, 2024

Shahaadada Corona ee saaxiibkiis ayuu soo qaatay: Tarxiil iyo ganaax 15.000 kr ah.

Nin ajnabi ah oo sodomeeyo jir ah ayaa shaley oo arbaco ah laga celiyay xuduudka Norway, kadib markii lagu qabtay shahaadada corona oo uu lahaa qof saaxiibkiis ah. Ninkan ayaa waxaa tarxiilka u weheliyay in lagu ganaaxay 15.000 kr.

Booliska ayaa sheegay in ninkan la weydiiyay shahaadada Corona, uuna sheegay inuu qaatay labada irbadoodba. Laakiin markii la baaray shahaadada uu watay, ayaa waxay boolisku ogaadeen in shahaadadaas uu lahaa nin kale oo saaxiibkaas.

Booliska ayaa kadib go´aansaday in ninkaas laga tarxiilo Norway, waxeyna sii siiyeen ganaax lacageed oo gaaraya 15.000 kr.

Xigasho/kilde: LÅNTE VAKSINEPASS – BORTVIST PÅ GRENSEN.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x