PST-da Norway oo ilaalo u sameysay gudoomiyaha xisbiga Sp, Trygve Slagsvold: Sababtan awgeed

0
87
Gudoomiyaha Sp: Trygve Slagsvold Vedum

Sida uu qoray wargeyska Dagens Næringsliv, Hey´adda sirdoonka iyo nabad-sugidda dalkan Norway ee PST-da ayaa ilaalo u sameysay gudoomiyaha xisbiga Sp, ahna musharaxa xilka reysulwasaarinimo Trygve Slagsvold.

PST-da ayaa horey sidan oo kale bishii Juun ilaalo ugu sameysay gudoomiyaha xisbiga Ap, ahna musharaxax xisbiga Ap, Jonas Gahr Større,

Hey´adda sirdoonka ayaa sheegtay in sababta ilaalada loogu sameeyay Jonas iyo Trygve ay tahay in la sugo amnigooda, maadaama ay doorashada galayaan iyaga oo ah musharaxiin u taagan xilka ugu sareeyo dalkan Norway ee reysulwasaaranimada.

Norway ayaa wixii ka danbeeyay sanadkii 2001 bilowday in ilaalo loo sameeyo qofka markaas hayo xilka reysulwasaaraha Norway, waxeyna hada ku dareen in sidoo kale ilaalo loo sameeyo qofka u taagan xilka reysulwasaarenimo.

Xigasho/kilde: Trygve Slagsvold Vedum har fått livvakter.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments