Xukuumada Reysulwasaaraha Sweden oo mooshin xil ka qaadis ah laga keenay.

0
207
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Xisbiga Venstre oo kamid ah xisbiyada waaweyn ee dalka Sweden ayaa mooshin ka keenay xukuumada uu hogaamiyo reysulwasaaraha Sweden Stefan Lofven. Waxeyna reysulwasaaraha Sweden siiyeen 48 saacadood oo jawaab deg-deg ah ay kaga sugayaan.

Xisbiga mooshinka abaabulayo ayaa dalbanayo in xukuumada Sweden ay joojiso meelmarinta hindise sharciyeed ku saabsan in kiro go´an oo cayiman lagu kireeyo guryaha Sweden kuyaalo. Waxeyna ugu yaraan codsanayaan in dowladu ay wadahadal la furto ururka ay ku mideysanyihiin milkiilayaasha guryaha la kireeyo ee Sweden.

Xukuumada Sweden oo kasoo jawaabtay shardiga iyo dalabka xisbigan, ayaa sheegtay in casuumaad u fidin doonto dhamaan qeybaha ay khuseyso sharcigan cusub ee muranka dhaliyay, si looga wada xaajoodo qaabka ugu haboon ee arrintan lagu xalin karo. Waxeyna dowladu sheegtay inay la hadli doonto ururada suuqyada kirada guryaha ee dalka Sweden.

Si mooshin looga keeno xukuumada Sweden, waxaa qasab ah in mooshinka ay saxiisaan ugu yaraan 35 xildhibaan oo baarlamaanka Sweden katirsan. Xisbiga ayaa gabi ahaantiisba baarlamaanka ku leh 28 xildhibaan, waxeyna ku qasbanaan doonaan inay isbaheysi la sameystaan xisbiyada kale ee mucaaradka, si mooshinkan loo geeyo baarlamaanka.

Si kalsoonida loogala noqdo xukuumada reysulwasaaraha Sweden, waxaa waajib ah in mooshinku uu helo aqbaliyad codad baarlamaan oo gaareyso 175, tiradaas oo ah kala bar(50%) baarlamaanka Sweden.

Xigasho/kilde: Mistillitsforslag mot Sveriges regjering.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments