UNE iyo Hassan oo maanta maxkamada isaga horyimid.

0
236
Mustafa Hassan Foto: Mustafamusic.no

Waxaa maanta maxkamada Oslo ka bilaabatay dhageysiga maxkamada u dhaxeyso hey´adda qoxootiga Norway ee UNE iyo Mustafa Hassan oo ah wiil 18 jir sano ah oo 13-kii sano ee ugu danbeysay kunoolaa dalkan Norway oo uu yimid isaga oo 5/6 sano jir ah.

Hey´adda qoxootiga ayaa rabta in Mustaf laga tarxiilo Norway, halka qareenka Mustaf uu rabo in wiilkan 18 jirka ah uu nolol ka helo dalkan Norway oo uu noloshiisa intii ugu badneyd ku qaatay.

Sheekada Mustaf loo ciqaabayo danbi ay hooyadiis gashay, ayaa ah mid caan ka ah bulshada dalkan Norway. Waxeyna kicisay dareenka dadweyne boqolaal kun gaaraya oo codsanayo in Mustafe aan laga tarxiilin Norway oo ah dalka kali ah ee uu yaqaano. Halkan ka akhri warkii aan horey uga qornay sheekadiisa.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in Mustafe walaalkiis ka weyn oo hooyadiis iyo aabihiis ay dhaleen, hal maalina ay Norway soo wada galeen loo ogolaaday inuu ku noolaado Norway, halka isagana laga codsanayo inuu dalka ka baxo. Halkan kasii akhri kiiska ku saabsan Mustaga iyo walaalkii.

Qareenka Mustafe ayaa aaminsan inuu xaq u yeelay inuu Norway ka helo sharci, halka hey´adda qoxootiga ee UNE ay aaminsantayay in Mustafa uusan xaq u laheyn sharci. Sidaas darteed waxey codsaneysaa in dalka laga musaafuriyo.

Kiiska Mustafa ayaa taageero aad u badan ku dhex heysto bulshada, waxaana jiro boqolaal kun oo dalbanayo in Mustafe

Xigasho/kilde: Nå starter hans livs viktigste kamp.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments