NAV ayaa ku tiri: Uma baahnid koronto ee raadso birta dhuxusha(grill) si aad cunto u karsatid.

0
105

Labadii maalmood ee ugu danbeysay, waxaa aad loo hadalhayay jawaabta ay xafiiska katirsan hey´adda NAV uu siiyay nin ku xiran hey´adaas oo ka qaato lacagta howlgabka ah( uføretrygd: Qofka dhaawac ama xanuun dartiis aan la shaqeyn karin).

Ninkan ayaa hey´adda NAV ka codsaday inay ka bixiyaan biilka korontada, laakiin NAV ayaa diiday codsiga ninkan. Jawaabta uu ka helay NAV codsigiisa iyo waxyaabaha loo cuskuday go´aanka ay diidmada ah ayaa tan iyo xalay aad looga hadalhayay warbaahinta iyo baraha bulshada.

NAV ayaa ninkan ugu jawaabtay: Waxaa la joogaa xili xagaa ah(sommer), waxaa la saadaalinayaa in qorax fiican ay jiri doonto maalmaha soo socdo. Sidaas darteed kuma qasbanid inay guriga koronto kuugu jirto, si aad u noolaato. Waxaad soo gadan kartaa birta dhuxusha(Grill), si aad cunto u karsato, si aadan ugu baahan koronto, si aad cuntada u karsato. Sidoo kale waxaa cabi kartaa biyaha tuubada, si aadan ugu baahan firinjeer xiligan qoraxda ay jirto.

NAV oo raaligalin bixisay:

Jawaabta uu ninkan saboolka ah ka helay hey´adda NAV ayaa ka careysiisay dad badan, waxeyna baraha bulshada ka kicisay dood xoogan. Iyada oo dadku ay aad uga falcelinayaan qaabka ay NAV ugu jawaabtay ninkan ka codsaday in laga bixiyo biilka korontada, si uu gurigiisa ugu noolaado.

Lacagta korontada ee ninkan lagu lahaa ayaa gaareysay 9000 kr, waxaana looga digay in laga jari doono korontada, hadii uusan bixin lacagtaas. Balse NAV ayaa ninkan 600 kr oo caawin deg-deg ah, waxeyna sheegtay ineysan ka bixin doonin biilka korontada.

Rikke Haagensen Madaxa xafiiska NAV ee deegaanka Indre Østfold ayaa raaligalin ka bixisay go´aanka NAV iyo jawaabta la siiyay ninknaas, waxeyna dhanka kale xaqiijisay in warqadu ay tahay mid run ah. Iyada oo dhanka kalena sheegtay inay dib ugu noqon doonaan xeerarka xafiiska, iyo qaabka qofka loo siiyo jawaabta codsigiisa.

Xigasho/kilde: Ufør mistet strømmen: NAV foreslo lån av grill.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments