Soomaali mar kale loo doortay hogaanka Dalada Ururada islaamka Norway

0
136
Gudoonka cusub ee ururka IRN. Foto: IRN

Cabdiraxmaan Cabdikariim Diiriye oo labadii sano ee ugu danbeysay ahaa gudoomiyaha Golaha Islaamka Norway ee (IRN, Islamsk Råd Norge) ayaa mar kale loo doortay inuu hogaamiyo golahaas oo ah madasha ugu muhiimsan ee mideysa qadiyadaha bulshooyinka muslimiinta ah ee Norway kunool.

IRN ayaa ah mid kamid ah daladaha ugu waaweyn ee mideeya ururada iyo masaajidada muslimiinta ah Norway, waxaana Golaha xubno ka ah ururo muslimiin ah iyo masaajido gaaraya 40, kuna kala yaal daafaha Norway. Wuxuuna golaha IRN yahay meesha ay inta badan dowladu soo marsiiso fariimaha, kalana tashato qadiyadaha taabanaya bulshooyinka muslimiinta ah ee Norway.

Diiriye oo kahor inta uusan ururkaas Gudoomiye ka noqon ahaa Gudoomiye ku xigeen, ayaa lagu xusuustaa in xiligiisa uu isbadal weyn oo dhanka habka shaqada, iyo hanaanka xiriirka bulshada iyo heyá ddaha dowlada ah ku sameeyay ururka IRN, oo waayadii hore lagu eedeyn jiray inuu ahay urur xir-xiran. Wuxuuna Diiriye si isbuucle ah uga soo muuqdaa warbaahinta Norway, iyo shirarka dowlada, isaga oo si daahfuran uga hadlayo qadiyadaha taabanaya bulshooyinka muslimiinta ah.

Marka laga tago Cabdiraxmaan Diiriye oo loo doortay gudoomiyaha golaha IRN, waxaa iyadana gudoonka ururkaas kasoo dhexmuuqatay Naciimo Saciid oo ah gabar Soomaali ah. Waxuuna IRN noqonayaa ururada kooban ee ajaaniibta ama muslimiinta Norway mideeya oo hogaankiisa sarre ay kujiraan labo qof oo soomaali ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments